WorldRemitAds

Washington DC, USA, November 29, 2015 (Saxafi) – Wakaaladda sirdoonka ee NSA ayaa qaabkay u diyaariyaan barnaamiijkooda basaasnimadda ee dhagaysiga Telefoonada bedelaysa iyadoo loo qabtay 180-maalmood oo ku ekaa maanta oo Axad ah, waxaanay ku bedelayaan qaab cusub iyo barnaamijyo cusub oo qofka laga shakiyo lagu helayo codka telefoonadda uu ku hadlay.

Baarlamaanka ayaa bishi June meel mariyay cod aqlaabiyad ah oo ay kaga joojinayaan wakaaladda basaasnimada ee NSA kaydinta iyo ururinta xogaha telefoonadda ay bilabeen ka dib weeraraddii lagu qaaday dalka Maraykanka September 11, 2001. Sharcigan ayaa farayay hay’ada inay ku joojiyaan barnaamijkaasi dhagaysiga Telefoonadda 180 maalmood oo ku eg manta, iyo inay ku wareegaan barnaamijkood cusub. Laakiin, hawlwadeenadda wakaalada basaasnimo ee NSA ayaa la sheegay inay xogta ay u baahdaan sidoo kale loo ogolyahay inay u marto kanalo kala duwan sida shirkadaha isgaadhsiinta; iyadoo xeerku ka mabnuucayo kaydinta xogta dadweynaha ku nool gudaha dalka Maraykanka.

Wakaaladda Sirdoonka Maraykanka NSA Oo Bedelaysa Barnaamijka Basaasnimo Ee Telefoonadda[ads2]

SomlegalAds

[ads1]

Waxaa sidoo kale, xeerku jideeyay in Dawladdu xogta shakhsiyaadka ay dooneyso in ay ka hesho shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaadhsiinta loo baahan yahay in ay u marto wadada sharciga ah, iyadoo ogolansho ka haysata maxkamadaha dalkaas, sidoo kalena ay dacwad ka furto maxkamadaha oo khabiro tilmaameen inuu ku adkaan doono nidaamkaasi dowlada. Qaar ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka dalka Maraykanka kana tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa ku baaqay in loo kordhiyo ama la balaadhiyo mudada basaasnimada iyo dabalgalka muwaadiniinta Maraykanka ila iyo sannadka 2017, dhowaan, ganacsadaha caanka ka ah dalka Maraykanka una tartamayey musharaxnimada jagadda madaxweyne ee xisbiga jamhuuriga ah Donald Trump ayaa taageeray barnaamijka kaydinta xogta telefoonadda.

Wakaalada basaasnimo ee NSA ayaa la cadeeyay inay si baahsan ula socotay muwaadiininta u dhashay dalka Maraykanka iyo dadka ajnabiga ahba, kuwaasoo ay ku jiraan siyaasiyinta hoggaamisa siyaasadda dunida oo la kaydin jirey xogtooda, iyadoo talaabadaas uu fashiliyey Edward Snowden oo heshiis qandraas ah kula jirey wakaladda NSA.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.