WorldRemitAds
Djibouti, December 22, 2015 (Saxafi) – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 35 kallena waa ay ku dhaawacantay iska hor imaad shalay ka dhacay xaafadda Jago Buldhuq oo ka mid ah degmada Belbala ee dalka Djibouti.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga hayo iska hor imaadkan ayaa waxaa ay tilmaamayaan in ay ka dhalatay shalay subax markii dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen munaasabad Siyaaro ah oo sannad walba la qabto oo lagu xuso Sheekh Yoonis Muuse oo ka mid ah odayaasha beelweynta Ciisaha.
Djibouti iyo RabshadahaCiidamada ammaanka ayaa isku dayay inay kala dareeriyaan dadkii ka soo qayb galay xuskan waxaanay taasi keentay in ciidamada iyo qaar ka mid ah dadweynuhu isku dhacaan.
Dooda Mucaaradka
Madaxda Dalada mucaaradka ah ee USN ayaa sheegaya in ciidamadda boolisku xasuuq u geysteen dad shacab ah oo waan waxba galabsan, waxaana ay intaas ku dareen oo ay tirada dhimashadda gaadhsiiyeen ilaa 15 qof iyagoo tilmaamay in tiro badan oo kallena dhaawacantay.
Djibouti oo rabshado ka dhacay dhimasho iyo dhaawac keeneenCumar Cilmi Khayre, guddoomiye xigeenka isbahaysiga Jabuuti ayaa sidan u sharaxay wixii dhacay “Dad reer Jabuuti ah oo sidii dhaqanku ahaa mawliid meel ku dhigayay ayaa la weeraray oo ciidamo loo diray,  dadkii ciidamadii waxay ku yidhaahdeen waar naga taga ama soo fadhiista oo nala jooga waxaanu dhigaynaa waa Mawliide, dabeedna hadalkaa dawladdii ma yeelin ee dadkii dagaal baa lagu bilaabay. Ilaa hadda dhimashada aanu xaqiijinaynaa waa 15 qof, waxa dadka laayayna maaha booliskii ee waa militarigii,” waxaanu intaasi raaciyay inaanay mucaaradku wax lug ah ku lahayn dadkaasi. Waxa uu sheegay in muddooyinkii dambe xiisad wadanka Jabuuti ka taagnayd, taasi oo ku saabsan hanka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku doonayo inuu mar afraad tartamo taasi oo mucaaradku diidan yahay.
Wararka dhinaca mucaaradku waxaa kale oo ay sheegayaan in sidoo kale dhaawacyo loo geystay qaar ka mid ah madaxda dalada ururada  Mucaaradka ah ee USN oo kulan deg deg ah shalay isugu yimid ka dib dhacdadan hore.
Rabshado Djibouti ka dhacayMasuuliyiinta la wariyay inay dhaawacyo soo gaadheen waxaa ka mid ah, madaxa USN Axmad Yuusuf  Xumad, Xildhibaan Saciid Xusseen Rooble oo lagu soo waramay in dhaawac ka gaadhay dhinaca madaxa.
Waxa sido kale wararka aan helney  sheegayaan in dhaawacyo ay gaadheen wasiirkii hore ee awqaafta iyo diinta ee dalka Djibouti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan.
Cabdiraxmaan Maxamad Geelle oo ka tirsan madaxda dalada USN ahna  xoghaya guud ee xisbiga RADD, ayaa isna la wariyay in xabsiga la dhigay.
Dhinaca dawlada
Taliyaha booliska Jabuuti Cabdillaahi Cabdi Faarax ayaa isna geestiisa sidan uga hadlay rabshadaha dhacay “Arrin fool xun oo aan waligeed Jabuuti laga arag ayaa na qabsatay. Arrintaas oo ah qolo siyaasiyiin ah oo dad ku daba dhuummanaya oo dibadda ka soo talinaya oo dad dhalinyaro bilaa camal ah iyo dad baadiye u badan maskaxda u soo galiyay in dawladda lala dagaallamo,kuwaasi oo ay soo hubeeyeen, halkaana ka abuureen xaalad dhimasho iyo dhaawacba leh,” ayuu yidhi taliyaha oo intaasi raaciyay in ilaa 36 Askarta ka mid ah dhaawacyo qaarkood xabad tahay soo gaadheen.
Djibouti oo ay ka dhaceen rashado khasaare keenayTan ka sokow, Warsaxaafadeed qoraal ah oo arrintan ay ka soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jibouti, uuna ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradaasi Xasan Cumar Maxamed, ayaa lagu sheegay in dad siyaaro ku dhigganayay duleedka magaalada Belbela, ay ku soo dhuunteen Toban nin oo hubaysan, taas oo keentay in ay ciidamada ammaanka isku dhacaan, waxaana warsaxaafadeedkaa lagu xusay in ay dhacdadan ku dhaawacmeen sagaal qof oo uu ku jiro laba xiddigle Lagu magacaabo Abuukar Maxamuud Aadan, oo ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi, Sidoo kale, waxa war saxaafadeedkan lagu sheegay in ay arrintan ka danbeeyeen dad war xumaa tashiil ah oo gacan ka helaya dad dibadaha jooga oo looga dan leeyahay in lagu khalkahliyo amniga dalka, waa sida warsaxaafadeedka lagu xusaye.
 Warsaxaafadeedkan waxa kale oo lagu sheegay in ay ciidamada ammaanku gacanta ku soo dhigeen todoba qof oo la tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin dhacadadan, waxaana hada socda hawlgalo baadhitaano ah oo ay wadaan ciidamada ammaanku.
SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.