Ra’yi Ururintan Waxa uu wargeyska Saxafi ka qaaday 300 oo Qof oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo, Laas-caanood iyo Berbera
Hargeysa, Somaliland, June 25, 2010 (Saxafi) – Ra’yi-ururin Saadaal ah oo uu wargeyska Saxafi ka qaaday dad kala jooga magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo, Laas-caanood iyo Berbera ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE uu ugu horeeyo saadaasha cidda ku guulaysanaysa doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacdo maalinta berito ee sabtida ah ee 26-ka June, kadib markii dadka codkan laga qaaday uu guud ahaan dhammaa 300 oo qof ay 39% u coddeeyeen xisbiga KULMIYE, halka 26%-na ay u coddeeyeen xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID, iyadoo ay 22%-na u coddeeyeen xisbiga talada haya ee UDUB, iyadoo ay 13% dadka codka laga qaaday aanay saddexda xisbi midnaba u coddeynin.
Natiijada codbixintan hordhaca ah ee uu qaaday wargeyska Saxafi ayaa waxay muujinaysaa sida uu xisbiga talada haya ee UDUB u lumiyey taageeradii baaxadda lahayd ee uu doorashooyinkii hore ka helay shacbiga, halka ay si weyn kor ugu kaceen taageerayaasha xisbiyada Mucaaridka ah.
Haddaba, sida ku cad ra’yi ururin uu Wargeyska Saxafi ku sameeyay magaalooyinka lixda magaalo-madax ee lixda gobol ee dalka oo kala ah, Hargeysa, Berbera, Burco, Laas-caanood, Boorama iyo Ceerigaabo, waxa muuqata in xisbiyada mucaaradku ay aad ugaga horeeyaan, isla markaana haddii ay doorashadu dhici lahayd 18-24-kii bishan June uu xisbiga Kulmiye ku guulaysan lahaa doorashada 39% tirada cod-bixiyeyaasha codkooda ka dhiibtay ra’yi ururintan.
Inkasta oo aanaan tiro badan oo dad ah codka ka qaadin, haddana marka tusaale ahaan la soo qaato magaalada Hargeysa oo ah meesha ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee doorashada Madaxtooyada codkooda ka dhiibanaya waxaanu codkooda ka qaadnay 200 qof oo ku kala nool shanta degmo ee Hargeysi ka kooban tahay. Sidoo kale, waxaanu codkooda ka qaadnay 100 qof oo ku kala nool magaalooyinka Boorama, Burco, Laas-caanood, Ceerigaabo iyo Berbera.
Haddii aynu tusaale u soo qaadano degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, dadka aanu codkooda ka qaadnay oo tiradoodu ahayd afartan qof ayaa waxay 21 ka mid ahi sheegeen inay codkooda siinayaan xisbiga KULMIYE, halka ay afar ka mid ahi sheegeen inay u codaynayaan xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID, shan qof oo ka mid ahina ay sheegeen inay codkooda siinayaan xisbiga UDUB, halka toban qof oo ka mid ah dadkaasi ay sheegeen inaanay saddexda xisbi midnaba u coddeynaynin, iyagoo ku sababeeyay fikirkooda sababo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen inaanay ku qanacsanayn barnaamijyada xisbiyadu soo bandhigeen.
Sidoo kale Degmada 26-ka June, oo iyadana ra’yi ururintan laga qaaday 40 qof, ayaa xisbiga KULMIYE oo ugu sareeyay waxa uu helay 17 cod, halka xisbiga UCID-na ka helay 10 cod, iyada oo xisbiga talada dalka hayana ay 7 qof sheegeen inay u coddayn doonaan, halka 6 qof oo ka mid ahaa dadkaasina ay tibaaxeen inaanay cidna codkooda siin doonin.
Sidoo kale degmada Axmed Dhagax waxa uu wargeysku cod ka qaaday 40 qof, waxaanay 17 qof oo ka mid ah dadkaasi sheegeen inay codkooda siinayaan xisbiga KULMIYE, halka 12 qof oo ka mid ahina ay sheegeen inay u coddeynayaan xisbiga talada haya ee UDUB, iyadoo 5 qof oo ka mid ahina ay sheegeen inay u coddeynayaan xisbiga UCID, halka 6 qof oo ka mid ahina ay sheegeen inaanay codkooda xisbi-na siin doonin.
Degmada Maxamuud Haybe ayaa iyadana sidan oo kale ra’yi ururinta wargeysku qaaday waxa codkooda ka dhiibtay 40 qof, kuwaas oo 28 ka mid ahi sheegeen inay u coddeyn doonaan xisbiga UCID, halka 5 qofna ay sheegeen inay coddeyn doonaan xisbiga UDUB, iyadoo 3 qof oo ka mid ahina sheegeen inay codkooda siin doonaan xisbiga KULMIYE, halka afar ka mid ahina tibaaxeen inaanay xisbina codkooda siin doonin.
Sidaas darteed haddii ay doorashadu dhici lahayd maalinta ra’yi ururintan wargeysku qaaday xisbiyada mucaaridka ah ayaa magaalada Hargeysa ku horreyn lahaa, iyadoo ay natiijadoodu isku soo dhawaan lahayd, balse xisbiga KULMIYE ayaa ku horeeyay ra’yi ururinta laga qaaday shanta degmo ee Hargeysa, waxaanu guud ahaan codadkii dadka la wareystay helay 69 qof oo u dhiganta 35%, halka xisbiga UCID ay codkooda sheegeen inay siinayaan 59 qof oo u dhiganta 30%. Balse xisbiga Talada haya waxaa codkooda sheegay inay siinayaan 40 qof oo u dhiganta 20%, halka ay 32 qof oo u dhiganta 16% sheegeen inaanay cidnaba codkooda siinayn.
Sidoo kale, ra’yi ururintan oo uu wargeyska Saxafi ka sameeyay magaalada Boorama ayaa iyadana waxa codkooda la weydiiyay 20 qof, kuwaas oo siddeed ka mid ahi sheegeen inay codkooda siin doonaan xisbiga UDUB, halka toddoba ka mid ahina sheegeen inay u coddayn doonaan xisbiga KULMIYE, iyadoo ay shan ka mid ahina sheegeen inay u coddeyn doonaan xisbiga UCID, sidaas darteedna haddii ay doorashadu dhici lahayd maalinta wargeysku qaaday codbixintan waxaa codadka magaalada Boorama ku guulaysan lahaa xisbiga UDUB, halka KULMIYE-na geli lahaa kaalinta labaad, xisbiga UCIDna kaalinta saddexaad.
Sidoo kale magaalada Berbera, waxa ra’yigooda laga qaaday 20 qof, kuwaas oo ay 16 ka mid ahi sheegeen inay codkooda siinayaan xisbiga KULMIYE, halka labada xisbi ee kalena ay min hal qof siiyeen codkooda, iyadoo laba qof oo ka mid ah dadkaasina ay sheegeen inaanay cidnaba siin doonin codkooda. Sidaas darteedna haddii doorashadu dhici lahayd maalintaas wargeysku qaaday codbixinta waxa ku guulaysan lahaa codbixiyeyaasha doorashada ee magaalada Berbera, xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale magaalada Burco oo ra’yi ururintan wargeysku ku wareystay 20 qof oo ka mid dadweynaha reer Burco, ayaa 10 qof oo ka mid ahi waxay sheegeen inay codkooda siinayaan xisbiga KULMIYE, halka 5 qof oo dadkaas ka mid ahina ay codkooda sheegeen inay siinayaan xisbiga UCID, 3 qof oo ka mid ahina ay sheegeen inay u coddeynayaan xisbiga UDUB, balse laba qof oo iyaguna dadka reer Burco ee codkooda aanu ka qaadnay ayaa iyagu tibaaxay inaanay xisbina codkooda siineyn.
Sidoo kale magaalada Ceerigaabo oo aanu 20 qof iyagana weydiinay ra’yigooda xisbiga ay u coddeynayaan ayey 10 ka mid ahi sheegeen inay codkooda siinayaan xisbiga KULMIYE, 4 qof oo kalena ay xuseen inay u coddeynayaan xisbiga UCID, halka 6 ka mid ahina ay sheegeen inay u coddeynayaan UDUB. Sidaas darteed haddii ay doorashadu qabsoomi lahayd maalmihii wargeysku ra’yi ururintan sameeyay waxaa la odhan karaa xisbiga KULMIYE ayaa aqlabiyadda magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo codkooda heli lahaa.
Ugu dambeyntii magaalada Laas-caanood oo aanu iyada sidaas si la mid ah 20 qof codkooda ka qaadnay ayaa 9 qof oo ka mid ahi waxay codkooda siiyeen xisbiga talada haya ee UDUB, 5 qofna u coddeeyeen xisbiga UCID, halka 4 qofna ay sheegeen inay codkooda siinayaan xisbiga KULMIYE, balse laba qof oo ka mid ahaa dadka codkooda ra’yi ururinta lagu weydiiyay ayaa iyaguna tibaaxay inaanay xisbina u coddeyn doonin. Sidaas darteed, haddii doorashadu qabsoomi lahayd maalmihii cod-ururinta la qaaday waxaa magaalada Laas-caanood codbixinta ku horeyn lahaa xisbiga UDUB, halka xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo KULMIYE si tanaasul ah kaalmaha labaad iyo saddexaad u geli lahaayeen, waxaanay tani muujinaysaa in xisbiga UDUB meesha keliya ee uu awooda ku leeyahay tahay magaalada Laas-caanood, balse magaalooyinka kale ee dalka lagaga horeeyo, marka laga reebo magaalada Boorama.
Inkasta oo maalmo kala duwan la qaaday ra’yi ururintani, haddana haddii maalin keli ah laga soo qaado, isla markaana la qabto doorashada xilligaasi, waxa ay noqon lahayd in doorashada uu ku guulaysto xisbiga KULMIYE oo tirada dadka codkooda la weydiiyay oo dhan 300 oo qof ka helay 116 qof oo u dhinganta 39%, halka xisbiga UCID-na kaalinta labaad ka geli lahaa isagoo dadka codka laga qaaday ka helay 79 qof oo u dhiganta 26%, xisbiga UDUB oo isagu tirada dadka codkooda la weydiiyay ka helay 67 qof oo u dhiganta 22% uu kaalinta saddexaad geli lahaa, taas oo ra’yi ururintani muujinayso in xisbiga KULMIYE faraq aan sidaa u buurnayn oo dhan 11% kaga horeeyo xisbiga kale ee UCID, balse ay xisbiyada ay xisbiyada UCID iyo UDUB tirada dadka codkooda siiyey intii ra’yi ururintan lagu jiray ay codadkoodu isku dhawaayeen, isla markaana faraqa u dhexeeya codadkoodu uu dhan yahay 12 cod oo u dhiganta 4%.
Guud ahaan tirada dadka iyagu sheegay inaanay xisbina u coddeyn doonin ayaa waxay noqotay 38-qof oo u dhiganta 13% dadka codkooda ka dhiibtay ra’yi ururinta wargeyska Saxafi sameeyay, taasina waxay muujinaysaa tiro badan oo ka mid ah shacbiga reer Somaliland ee Komishanku sheegay inay milyan iyo dheeraad isku diiwaangeliyeen inay codkooda dhiibtaan aanay maalinta doorashada codkooda dhiiban doonin, iyadoo sababaha arrintaas ku kelifayaana ay qaarkood ku sheegeen inaanay ku qancin barnaamijyada ay xisbiyadu soo bandhigeen, halka kuwo kalena ay sheegeen inaanay wakhti badan ku lumin doonin safaf dhaadheer oo ay u galaan goobaha codbixinta.