Muqdisho, Somalia, December 18, 2015 (Saxafi) – “Dadka Reer Somaliland ee Aanu Muqdisho isku arragnaa Waxay Ii Qabaan Nin Waallan” Sidaas waxa yidhi Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Somalia Dr. Nuur Faarax oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeedda dhalasho ahaan, kaas oo madal ilyartu is qabatay ku calaacalay inaanu afar sanadood arag caruurtiisa, isla markaana loo diiday inuu gurigiisa taggo.
Nuur Faarax ayaa sheegay in aanu garanayn sababta loogu diidayo inuu Hargeysa yimaaddo, isla markaana gurigiisa tago maadaama oo uu doonayo in aan Soomaali la kala jarin, isagoo iska indho tiraya rabitaanka shacabka uu ka soo jeeddo ee Somaliland.
Nuur Faarax waxa ka mid ahaa hadalkiisa oo uu yidhi “Dadka reer waqooyiga ah ama Reer Somaliland ee aanu halkan (Muqdisho) isku aragnaa waxay ii qabaan inaan waalanahay, Afar sanno caruurtayda maan arag mar ay halkan (Muqdisho) iigu yimaadeen mooyee, walina gurigoodii Hargeysa ayay degan yihiin oo kama rarin sabab aan uga rarana garan maayo, waxaanan garanayn sabab la igu diido inaan u tago oo gurigayga taggo, qaar baa igu yidhi Baritoole adigoo soo noqda ayaa la arki siday kuwii kaa horeeyeyba usoo noqdeen, waxaan is leeyahay waxa aad doonaysaa waa wax cad, waxaa aan ka hadlayaa waa wax cad, inay Soomaaliya mid noqoto oo aan dhulkeedda aan la kala lahayn waa arrin aanan meelna uga gudbi karin oo xalaal ah oo aan rabo, laakiin mid ayaanan ka hadli doonin in aan idhaahdo dadka Soomaaliya ha la qaybiyo, haddii aan ku guulaysan waayo yoolkayga midnimo raadiska ah inaan ka shaqeeyo waxay laabtaydu doonayso ku guulaysan waayo taasi dambi kuma lihi”.
Siyaasigan wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ugu magacaaban Soomaaliya ayaa ka mid ahaa ururaddii ku hadhay tartankii ururada siyaasadda Somaliland, isla markaana isaga iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Maxmaed Cumar Carta ayaa waxaa ay u carareen dhinaca Soomaaliya, kuwaas oo xilal ku heley ka dib markii ay ka cadhoodeen dhicitaankii ururadooda.