Washington, USA, December 11, 2015 (Saxafi) – Feedhyahankii ama Hoggaamiyihii hore ee feedhka Miisaanka Culus Maxamed Cali ayaa naqdiyay hadalo ka soo yeedhay murashaxa madaxtooyadda ee Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.
Maxamed Cali ayaa sidoo kale weeraray dhaqanka kooxaha sheegta Muslimka ee dadka laaya. “Maaha in magaca Islaamka la isticmaalo si loo horumariyo ajandayaal shakhsi gaar u leeyahay. ” Ayuu yidhi isaga oo la hadlaya musharaxa Jamhuuriga ee Donald Trump. “Waxaan ahay Muslim, waxbana kama jiraan, sheegashooyinka magac dilka ah ee tilmaamaya in dad magacan sitaa dad aan waxba galabsan ku laayeen Paris, San Bernardino, ama meel kale oo adduunka ah.”
![Maxamed Cali](https://i0.wp.com/saxafimedia.com/wp-content/uploads/2015/12/muhammad-ali-300x200.jpg?resize=300%2C200)
Hadalkan Feedhyahanka oo saddex maalmood uun ka danbeeyay hadal ka soo yeedhay murshaxa Trump qoraal uu ku baahiyay bogiisa Twitterka oo uu ku sheegay in uu la kulmay Maxamed Cali dhowr jeer, balse aanu marna u yeedhan doonin ciyaartoy caan ah. “Annigu waxaan ahay muslim, mana aha in qof arxan darran loogu yeedho Muslim,” ayuu yidhi Maxamed Cali.
Isaga oo ka hadlaya ama duraya siyaasigan, waxaa uu mar kale sheegay in aan la dhagaysan qof aan loogu baran weligii aragti saxan oo siyaasadeed. Tan badalkeeda waxaa uu u soo jeediyay hoggaamiyayaasha Maraykanka inay saxaan aragtida khaldan ee laga bixinayo Muslimiinta.