Asmara, Eritrea, July 09, 2018 (Saxafi) – Madaxda Ethiopia iyo Eritrea ayaa labaatan sannadood oo uu dagaal u dhexeeyay kadib shalay kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, si ay u soo gaba gabeeyaan mid ka mid ah colaadihii ugu qadhaadhaa ee soo mara Afrika.
Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Asmara Raysal-wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, kadibna u sii kaxeeyay qasriga Madaxtooyadda dalkaas.
![Labada hoggaamiye ee Eritrea Isaias Afwerki iyo Ethiopia Abiy Ahmed oo gaadada isku qaatay Madaxda Ethiopia Iyo Eritrea Oo Labaatan Sannadood Oo Dagaal Ah Kadib Ku Kulmay Asmara](https://i0.wp.com/saxafimedia.com/wp-content/uploads/2018/07/Isaias-Afwerki-iyo-Abiy-Ahmed-oo-gaadada-isku-qaatay.jpg?resize=696%2C435&ssl=1)
Kulanka hoggaamiyaasha labadani waddan ku dhexmaray magaalada Asmara, ayaa ah kii ugu horreeyay oo si fool-ka-fool ah ay isu arkaan madax ka socota Ethiopia iyo Eretria tan iyo sannadki 2000, markaas oo ay Afwerki iyo Raysal-wasaarihi hore ee Ethiopia Meles Zenawi saxiixeen heshiiskii Algeria ee soo gaba gabeynayay dagaalka labada wadan.
Raysal-wasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilka waxa uu Itoobiya ka waday dadaalo uu wax uga bedelayo siyaasadda gudaha iyo dibadda ee dalkaasi.