WorldRemitAds

Dareenka ay kaga fal-celiyeen Odayaasha Reer Awdal Iyo Maamulka Jaamacadda Camuud Hadalkii Faysal Cali Waraabe

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

SomlegalAds

Laba ama saddexdii cisho ee u dambaysay ayaa magaaalada Boorama waxa ka jiray guux ka dhashay hadal Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID kaga hadlay xiisadaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, deeq hal milyan ah oo Soomaaliya soo gaadh siisay dadkii ku wax yeeloobay duufaanadii ku dhuftay qaybo ka ka mid ah dalka, gaar ahaanna deegaanada Xeebaha Gobolka.

Haddaba marka la eego sida Gudoomiyaha xisbiga UCID uga hadlay dagaalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, garadarada Maamul goboleedka Puntland, fasiraadaha Guddoomiye Faysal ka bixiyey deeqda Soomaaliya iyo saamaynta u dagaalkaasi ku yeelan karro dadka ka soo jeeda Gobolada Soomaaliya iyo Puntland ee Somaliland u jooga waxbarashada iyo ganacsiga marka lagu daro kuwa waxbarashada ayaad mooddaa in dareenka ka dhashay hadalkaasi iyo sida u guddoomiyaha Ucid u yidhi ay yihiin laba shay oo aad u kala fog.

Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Camuud ayaa markiiba jawaab kulul ka bixiyay hadalka Guddoomiye Faysal ku soo qaaday ku dhawaad 300 ilaa 400 oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Camuud oo ka soo jeeda gobolada Soomaaliya iyo Puntland iyo deeqda Soomaaliya, waxayna jawaabtoodaasi bilow u noqotay dood la siyaasadeeyay oo aan loo baahnayn.

Intaas uun kuma joogsanin’e, waxa iyaguna hadalka Faysal sii ambaqaaday Oday dhaqameedyo reer Boorama ah oo iyagoo kala qaybsan qaarba si gooni ah u dureen hadalka Guddoomiye Faysal, iyadoo qaarkoodna shirar jaraa’id ku sheegay inay xaal ka bixiyeen hadalka Guddoomiyaha, mana ay ahayn in buuq intaa le’eg odayaasha Reer Awdal ka sameeyaan hadalka hal siyaasi, iyadoo taa beddelkeeda loo baahnaa in siyaasiyiinta reer Awdal ee mucaarad iyo muxaafiba lihi ka hadlaan arrinta waxa reer Awdal ka qaylinayaan ama ka gubanayaan waa laba erey oo Guddoomiye Faysal ku sheegay in maamulka Puntaland ka cadhooday kaalmadii duufaanada ee Soomaaliya u soo dirtay Somaliland isagoo Guddoomiye Faysal intaa ku daray in kaalmadaasi ay ka faa’iideysanayaan boqolaal arday oo ku jirta Jaamacadda Camuud oo reer Puntland ah, balse maamulka Puntland ka xaasidayo, mana sheegin in ardayda halkaa wax ka barataa yihiin kuwa cadow ku ah Somaliland.

Haddaba marka loo fiirsado labada erey ee ka soo baxay Guddoomiye Faysal iyo falka ay celiyeen odayaasha reer Awdal ayaa markiiba waxa soo baxaya in baroortu orgiga ka weyn tahay, odayaasha iyo maamulka Jaamacadda Cammudna hadalka Faysal ka leeyihiin ujeeddooyin kale.

Jaamacaddu maaha beed gacmaha lagu sido oo laga ilaalinayo inay dhacdo, mana aha in soo hadal qaadkeeda laga dhigo dembi qaran ama dembi Gobolka laga galay, waa goob shacbiga iyo dawladduba ku bixiyeen maal iyo muruq, loona baahnayn inay cid gaar ahi ka dhex muuqato daafaceeda iyo horumarkeedaba, waxana buuqa laga samaynayo hadalka Guddoomiye Faysal u muuqdaa in Jaamacadda laga dhigto dhufays laga weeraro xukuumadda iyo siyaasiyiinta kale ee dalka wakhti lagu jiro dagaal ka dhan ah qarannimada dalka. Ujeedada Odayaasha reer Awdal ka leeyihiin hadalka Faysal Cali Waraabe na uma muuqdo mid dan u ah Jaamacada, balse waxa uu u muuqdaa mid ay ku doonayaan inay ku bannaystaan jid ay u sii maraan aqalka Madaxtooyada oo waayadan dambe albaabada laga xidhay, si loo majara habaabiyo dadweynaha reer Awdal, waxay odayaashu hadalka ku wanjeleen mid uu ku doonayo in la bartilmaameedsado Jaamacadda iyo ardayda reer Puntland taasoo aan cidna ka suurtoobaynin.

Ugu dambayntiina hadii aan ujeeddooyin kale laga lahayn ama aan la wenjelaynin hadalka Guddoomiye Faysal kuma jirin wax reer Awdal iyo reer Somalilandba ka gubtaan, loomana fadhiyin in odayaal iyo waxgaradka Jaamacaddu hadalkaasi u dhigaan duulaan lagu soo qaaday Jaamacadda, waxana taa ka sii darran dareenada nacaybka ku salaysan ee odayaasha iyo Jaamacadduba shirarkoodan jaraa’id ku muujiyeen indhaha dadkana lagaga jeedinayo taakuleynta duufaanada iyo dagaalka Puntland ku soo qaaday Somaliland, mana soconayso in odayaasha reer Awdal weji fiican tusaan Maamulka Puntland, cadaawadna tusaan dawladda Muuse Biixi iyagoo soo dhex maraya ardayda reer Puntland ee aanay cidi wax u dhimaynin, waxana loo baahan yahay in odayaasha reer Awdal jid kale u soo maraan sidii Muuse Biixi ugu furri lahaa albaabada madaxtooyada dalka, waxana la gudboon odayaasha inaanay u midoobin cambaareynta hal siyaasi oo reer Somaliland ah, balse looga fadhiyo inay u midoobaan horumarka, difaaca dalka iyo taakuleynta deegaanada duufaanadu haleeleen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.