Mooganaanta Farmaajo Ee Xeerarka Caalamiga Ah: Qoraal Muujinaya Xasan Sheekh Oo Fahmay Kala Dhinaanta Sharci Ee Somalia

PropellerAds

Baarlamaanka Somalia Oo Soo Saaray Go’aamo Aanay U Meel Dayin Oo Ka Dhan Ah DP World Iyo Shuruucda Caalamiga Ah Ee Ay Baalmareen

Muqdisho, Somaliland, March 13, 2018 4 (Saxafi) – Kulan ay shalay magaalada Muqdisho ku yeeshaan Baarlamaanka Somalia ayaa laga soo saaray go’aamo ka dhan ah shirkadda DP World oo ay kaga mabnuuceen Somalia.

Go’aanka Somalia

Go’aanka ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa Shirkadda DP World iyaddoo lagu haysto heshiiska ay la gashay dalka Somaliland.

Go’aankan waxaa lagu yidhi

Qodobka 1aad

Heshiis caalami ah waxaa jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya u geli kara oo keliya xukuumadda federaalka ah ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo hay’adda sharci dejinta JFS uuna madaxweynaha JFS ku meelmarinayo xeer madaxweyne, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee JFS.

Qodobka 2aad

  1. Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kale oo shisheeye, oo ka hor imanaya dastuurka federaalka ah waa waxba kama jiraan aanan sharciyad laheyn
  2. Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye ee Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.
  3. Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si badheedh ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanida midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.”

Baarlamaanka Somalia waxaa ay intaas ku dareen oo ay Raysal Wasaaraha dalkoodda farreen inuu arrintan gaadhsiiyo Imaaraadka, unna sheego inay meel kaga dhaceen xeerarka caalamiga ah.

Xeerarka Caalamiga Ah

Inta aynaan faaqidin Xeerarka caalamiga ah ee Somaliland u ogolaanaya inay gasho heshiis, waxaa aynu milicsanaynaa murano sharci ooh ore Somalia oo dawlad ah iyo shirkadaha dunida u dhex maray. Tusaale ahaan, Maxkamad ku taala dalka Maraykanka ayaa xukuntey sannadihii sideetamaadkii In aanay Somalia ahayn dawlad leh shakhsiyad qaanuuni ah (sovereignty), ka dib markii khilaaf sharci dhexmaray shirkad leh Maraakiib oo laga leeyahay dalka Maraykanka iyo shirkaddii Maraakiibta Soomaaliyeed ee la odhan jirey Somalia Shipping Agency.

In kasta oo ay dacwadani fogaatay, isla markaana dawladda Maraykanku markii dambe soo dhex gashay oo ay hab siyaasadeed ku xalisay khilaafkaasi, haddana xukunka Maxkamadda Markii hore ka soo baxay warbixin laga qorey waxa lagu yidhi. “Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Somalia, may lahayn, mana helin shakhsiyad qaanuuni ah oo dawladnimo, mana samaynin hawlo ganacsi oo ay shakhsiyad qaanuuni ah ku yeelato oo ganacsi Maraykanka dhexdiisa si ay u waafaqdo xeerka FSIA ee Maraykanku dunida kula ganacsado, sidaasi darteedna Maxkamadu way weyday wax shakhsiyad qaanuuni ah oo ay leedahay”.

Kiiskani oo u dhaxeeyay shirkadda Maraakiibta Maraykanka ee TransAmerican iyo Somalia Democratic Republic,  waxa uu daaha ka fayday sida aanay Somalia weligeed u yeelan shakhsiyad qaanuuni ah sovereignty ay dunida kula ganacsato, isla markaana aanay xubin ka ahayn xarunta ganacsiga adduunka ee WTO oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka magaalada New York.

Sannadihii lixdamaadkii, markii ay dawladda Somalia codsiga u qoratay xubin ka noqoshadda xarunta ganacsiga Adduunka waxa lagu yidhi. “Markii aanu eegnay shuruucda dhinaca ganacsiga iyo Tacriifadaha ee GATT, ma waafaqayso wadanka Soomaaliyeed qaybtiisii Talyaanigu damiinka uga ahaa Qaramada Midoobay, sababta oo ah marka la eego dhinaca shuruucda heshiisyadda Caalamiga ah ee dawlad iyo dawlad (bilateral treaty) iyo kuwa dawladaha badan (Multilateral Treaty) may gelin, mana waafaqayso, balse dhinicii Ingiriisku Ilaaliyaha ka ahaa ayay waafaqayaan shuruucdu, sababta oo ah dawladda Ingiriiska bilawgii markii uu tegay waxa jirey heshiisyo dhexmaray qabaa’ilka iyo dawladda Ingiriiska, taasina waxay waafaqaysaa shuruucda heshiisyadda dawlad iyo dawladi wada galaan (bilateral treaty/agreement), si waafaqsan heshiiskaasina waxay dawladda Ingiriisku magaca British Somaliland Protectorate ku gashay heshiisyo caalami ah (Multilateral treaty/agreement) oo dawlado badan ka dhaxeeya”.

Qoraalkani waxa uu keenay in Somalia aanay xubin ka noqon xarunta ganacsiga Adduunka ee WTO ilaa maantadaasi aynu joogno, balse dhawaan markii ay heshiis la gashay dalka Kenya loo ogolaaday inay goob jooge ka noqoto.

Sharciyadda dawladnimo ee Somaalidu waxay muran badan ka dhex abuurtey garyaqaanadda dunida oo dhan sannadihii 1960-1969-kii, waxaanay dhammaantood isku raaceen in midawgii dhexmaray Somalia iyo Somaliland aanu lahayn hab raac sharci oo lagu midoobi karo, iyo in dawladda Talyaanigu aanay u dhamaystirin Somalia waxyaabihii aasaasiga u ahaa dawladnimada oo ay ka mid tahay inay u madax banaanaato la ganacsiga adduunka kale iyo inay yeelato ciidan qaran oo ilaaliya xuduudaheeda.  Arrintani dawladdii Somali Republic la odhan jirey si ay u waajahdo waxay xagga ciidanka ka dhigtey inay maalinta ciidanka Qaranka samayso, oo ah 12-ka April, maalintani oo ah maalintii Ingiriisku u asteeyey inay noqoto maalinta militariga Somaliland, sidaasi ayayna qodobkaasi iskaga buuxisay oo ilaa maanta waxay xustaa maalintaasi. Balse tii ganacsiga weli su’aashii way hortaalaa.

Ta kale, Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo maanka ku haya arrimahan, islamarkaana ka duulaya tilmaan Imaaraadku ugu sheegay in aanay lahayn awood sharci oo ay shirkadaha kula galaan heshiisyo caalami ah uu ka dalbaday dawladda Talyaaniga inay u soo dhamaystirto xuquuqdii dawladnimo (sovereignty) oo qayb ahaani kaga hadhay dawladdii Amaanadda dalkaasi u hayn jirtey ee Talyaaniga.

Xasan Sheekh waxa uu sidaasi ku sheegey waraysi uu siiyey Wargeyska La Stampa Mondo:

“L’Italia ricostruisca la Somalia come fece sessant’anni fa”

”Shuruucda maamulka dawladnimo (the administrative) iyo kuwa maamulka dhaqaalaha waxaanu kala mid nahay Talyaaniga, xataa iyada oo aan la cusboonaysiin muddo 30 sannadood ah, waxa kale oo jirta sabab kale oo la xidhiidha booqashayada Talyaaniga oo ah in aanu xaqayagii (dawladnimo) ka helno halkan (Talyaaniga)” ayuu yidhi Xasan Sheekh waxaanu intaasi ku daray “Sabab la xidhiidha dagaalada Sokeeye, waxa naga lumay dhammaan documents-kii (tixraaca dawladnimada) xataa kaydkii macluuumaadka Qaranka (national archives) … Wax kasta iyo waxa keli oo laga heli karaa waxoogay nukhsado ah (copy) la xidhiidha qaarka ka mid documents-kaasi (kuwa qeexi karra dawladnimada Somalia) waa Talyaaniga in lagala tashado maanta. Annaga waxa noo muhiim ah in aanu Soomaalida u ogolaano fursad ay ku ogaadaan halka ay dawladnimadoodu ka timid” ayuu yidhi Xasan Sheekh oo sannadkii 2013-kii mar uu safar ku joogey dalka Talyaaniga u waramayay Wargeyskaasi.

Waxaa intaas dheer, Sida ku cad qoraal sharciyeed oo ka soo baxay qaramada Midoobay sannadkii 1968-kii volume 12, isla markaana uu qorey khabiirkii sharciga ee UN-ku u wakiishay dib u eegista sharciyadeed ee midnimadii Somalia iyo Somaliland, ma jirto wax dawlad ah oo la yidhaahdo Somalia, balse waxa jirta dawlada Somaliland oo ay la midoobeen dad ammaano ahaan UN-ku gacanta ugu hayay.  “Weligeed may jirin dawlad madax banaan oo la yidhaahdo Somalia, sidaasi darteedna Maadaama oo aanay jirin dawlad madax banaan oo la yidhaahdo Somalia si waafaqsan qodobka 4-aad ee Qaramada Midoobay waa in Jamhuuriyadda Soomaaliyeed laga dhigo mid ka dhalatay dawladda Somaliland, taasi oo xaquuqdeeda iyo waajibaadkeeda lagu helay (sharciyadda) shantii maalmood ee ay Somaliland xorta ah intii ka horeysay midnimadda, taasi oo keenaysa xuquuqdeeda (dawladnimo) iyo waajibaadka ka dhalanaya heshiisyada caalamiga” sidaa waxa qoraalkiisa sharci ku yidhi, khabiirkii Qaramada Midoobay xagga shuruucda u qaabilsanaa Contran, sannadkii 1968. Waxaanu intaasi ku daray “Marka iyada oo la tixgelinayo taasi xuquuqaha iyo waajibaadka ka dhashay ee waafaqsan qodobka 4-aad ee axdiga Qaramada Midoobay farqadiisa 2-aad waxa caqabad ku ah (Somalia) qodobka 67 ee axdiga Qaramada Midoobay, oo ma geli karto heshiis caalami ah”.

Hase yeeshee, khabiirkani waxa uu sheegay oo uu cadeeyey in cida geli karta heshiis caalami ah ay tahay Somaliland “sida laga arki karo heshiisyada caalamiga ah ee u dhaxeeya UK iyo Somaliland ee ku taariikhaysan 26 June 1960-kii iyo saddexda heshiis ee kale, Somalia ma dhaxli karto Somaliland”.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.