Faallo – Maxamed Cumar Sheekh
Dad badan oo reer Somaliland ama Soomaaliya ah iyo dalal badan oo caalamka ka tirsan ayaa laga yaabaa inaanay fahamssanayn dagaalka Puntland ku doonayso inay kula wareegto qaybo ka mid ah Somaliland, iyadoo u adeegsansanaysa cid kasta oo ay is leedahay way kula soo dhicin kartaa hadday tahay Soomaaliya, hadday dalal kale oo ajnebi ah tahay iyo haddii ay tahay qabiilooyinka degen deegaanada Sool iyo Sanaag Bari.
Tan iyo markii maamulka Goboleedka Puntland ee Soomaaliya uu la wareegay Cabdiweli Gaas waxa soo kordhayay colaadda iyo cadowtinnimada uu u hayo dawladnimada Somaliland oo uu aamisanyahay inay ka horjoogsan karto damaciisa Gobolka Sool oo uga duwan gobolada kale ee dalka. iyadoo aanu maamulkaasi marnaba soo bandhigin damaciisa Gobolka Sool, waxaase maalinba maalinta ka dambaysa soo baxaya ujeedada ka dambaysa damacaasi oo ah inuu gacanta ku dhigo dhulka u dhexeeya Garoowe iyo Tukaraq.
Damaca Puntland ee ku saabsan la wareegista deegaanada Gobolka Sool ayaa salka ku haysa laba arrimood oo aan weli reer Somaliland iyo dawladaha jaarka ahiba waxba ka ogeyn ama in yari ka ogtahay:
- Waa tan koowaade Puntland ayaa lix bilood ka hor sheegtay inaan Garoowe loo soo dhaafi karrin 30 kiloomitir xadka Somaliland, halkaana laga ilaaliyo amnigeeda,
- iyo tan labaad oo ah war bixin qarsoodi ah oo laga helay shirkado dhulkaasi batrool ka baadhi jiray sannadihii 1984-1989, kuwaas oo fadhigoodu ahaa Muqdisho iyo Nairobi.
Sida laga soo xigtay hawlwadeenno ka shaqayn jiray shirkadihii Batroolka ka baadhi jiray Dalkii la odhan jiray Soomaaliya, una dhashay reer Somaliland iyo Soomaaliyaba kana gaabsaday in magacyadooda la sheego, fadhigooduna yahay Muqdisho waxa Puntland duulaanka ugu tahay gobolka Sool waxaa ay salka ku haysaa warbixin qarsoodi ah oo ku saabsan in dhulkaasi shidaal laga helay. Nin ka mid ahaa shaqaalihii shirkad lagu magacaabo Western Geophysical, qandaraas shidaal baadhis ahna ka qaadatay shirkadda CONOCO ee shidaalka asal ahaanna ka soo jeeda Magaalada Muqdisho, gaar ahaanna reer Xamarka Cadcad, ayaa yidhi “Waxaan ka mid ahaa hawlwadeenadii dhinaca saadka ee shirkada Western Geophysical ee Maraykanka ah, waxanan subax kasta diyaarad ka raaci jiray Muqdisho, annaga oo ku jeedna garoon macmal ah oo waagaasi ku yaallay Garoowe, ka dibna baabuur ayaan u raacaynay deegaanada Gobolka Sool laga bilaabo Yoocada ilaa Tukaraq. 1989kii ayaa dagaalkii Muqdisho shirkaddu ka shakiday, waxayna joojisay baadhista shidaalkii. Gaadiidkii waa weynaa ee qalabku saarraa Xamar ayaa dib loogu soo celiyay. Waxaana aakhirataankii bililiqaystay mooryaantii Xamar oo ay u badnaayeen kuwaas oo ka soo jeeda Puntland iyo Gaalkacyo, dhulkaasi waa dhul isku siman oo shirkaddu laba jeer qandaraaskeeda la siiyey aadna u mashquulsanayd”
Nin kale oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa isna yidhi “Waxaan ka mid ahaa darawalada gaadiidkii waa weynaa ee shirkadda, waxa la iga qoray Istaadiyoomka Muqdisho, waxaana la ii qaaday Garoowe, waxaanse ka shaqayn jiray meel u dhaxaysa Tukaraq iyo meel aanan garayn magaceeda oo 30 km u jirta Garoowe, dhinaca galbeedka. Gaaladii ama khuburadii batroolka baadhaysay waxay ka iman jireen Nayroobi oo Diyaarad baa lagu keeni jiray Muqdisho iyo Garoowe, shaqadii annagoo haysana ayaa dagaalkii jabhaduhu na qabsadeen, waxaan gaadiidkii waa weynaa u kaxaysanay Muqdisho. Markii dagaalku Muqdisho nagu qabsadayna, waxaan u soo qaxnay dhinaca Somaliland, balse gaadiidkii waa weynaa iyo sahaydayadiiba waxa lagu dhacay Beledweyne oo dirqi ayaan ku soo gaadhnay Somaliland.”
Marka intaa laga yimaaddo dagaalka Puntland ee Somaliland ayaa waxa uu xoog u bilowday wakhtigii xukuumaddii Siilaanyo, wakhtigaasi oo heshiisyo lala gaalay shirkado shidaal ka baadha gobolada Bari ee Somaliland, waxana isla wakhtigaasi shirkadahaasi heshiis la galeen dawladii uu Raysal wasaaraha ka ahaa Cabdiweli Gaas ee Soomaaliya. Shirkad lagu magacaabo Genel Petroleum oo laga leeyahay Denmark ayaa heshiisyadaasi la gashay Soomaaliya iyo Somaliland, waxase ka hadhi waayey Cabdiweli Gaas oo wakhtigan ah Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland waxna ka ogaa heshiisyadii lala galay Soomaaliya, sidaa darteedna haatan xoog iyo qabyaaladba u adeegsanaya sidii dhulkaasi Soomaaliya iyo Puntlandba uga soo dhacsan lahaayeen Somaliland shidaalkaasina loogu soo saari lahaa balse waa hadii ay u suuragasho.