WorldRemitAds

Washington, USA, December 7, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu magaalada barakaysan ee Qudus u aqoonsaday Caasimadda Israel, isagoo amray in Safaaradda Mareykanka laga soo wareejiyo Tel Aviv, loona raro Bariga magaalada Qudus.

Hogaamiyaasha caalamka iyo hay’ado kale duwan oo ay kamid tahay Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub, ayaa sheegay in go’aanka Trump uu yahay mid mas’uliyadda darro ah, oo horseedaya colaadda iyo deganaansho la’aan gobolka Bariga dhexe ka bilaabanta iyadoo awalba qasnayd.

France ayaa markiiba go’aankan ka hor timid, sidoo kale, Britain ayaan iyana soo dhaweynin, iyadoo sidoo kale Jarmalku sheegay In xalka Falastiin iyo Yuhuudu yahay mid loo baahan yahay inay noqdaan laba waddan. Laakiin, Benjamin Netanyahu waxaa uu ku dooday in talaabaddani xaqiijisay Dantii marka hore Yuhuudu u soo dagtay halkaas.

SomlegalAds

Hogaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in Qudus tahay Caasimaddooda, talaabadda Trumpna waxaa uu ku tilmaamay mid meesha ka saartay dhexdhexaadnimadii uu sheegayay ee wadda hadalka nabadda uu qaybta kaga ahaa.

Raysal Wasaaraha Lubnaan Michel Aoun ayaa isna tilmaamay in go’aankan Caasimada Qudus loogu aqoonsaday Yuhuudu uu yahay mid khatartiisa leh oo meesha ka saaraya doorkii bariga dhexe ee Maraykanka.

Sidoo kale, waxaa Canbaareeyay go’aankan Dawladda Qatar, iyaddoo wasiirkeedda dibadda Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani, uu tilmaamay in Trumps qaatay go’aan qudhgooyo ah oo khatar ku ah gobolkaas.

Masar ayaa iyana u aragta go;aankan mid aan waxba ku soo kordhinayn sharciyadda sheegashooyinka aan jirin ee Israaiil ku haysato Falastiin.

Sidoo kale Jordan ayaa mid sharci daraddii uun sii xoojinaysa ku tilmaantay go’aankan Maraykanka.

Madaxwenaha Turkiga Erdogan ayaa shaaciyay in dalkiisu xidhiidhka u jarayo Israel, iyadoo Ururka Jaamacadda Carabta ay shir deg deg ah isagu imaanayaan maalmaha soo socda magaalada Qaahira, si ay arintan uga hadlaan.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay go’aanka Trump, oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid shacabka Yuhuudu waligeed xasuusan doonaan, islamarkaana ay uga mahadcelinayaan.

Trump ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii January, 2017 waxa uu soo saarey go’aano qalafsan, oo xanaf leh kuwaasi oo keenay inay kala fogaadaan Mareykanka iyo dalalkii xidhiidhka la lahaa, gaar ahaan kuwa Muslim-ka.

Israel waxay bariga Qudus iyo magaalooyin kale ka qabsatay Falastiin markii uu dhamaaday dagaalka ay la gashay Suuriya, Masar iyo Jordan 1967, mudo hadda 50 sano laga joogo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.