WorldRemitAds

Paris, France, November 16, 2015 (Saxafi) — Wararka laga helayo dalka Faransiiska ayaa sheegay in dad badan loo xidhay weerarkii todobaadkan ka dhacay magaalada Paris, kuwaas oo ay ku jiraan xubno Qoyska ninka loo tuhunsan yahay weerarkaas, ayna ka mid yihiin, Aabbaha ninka la sheegay inuu ka mid ahaa raggii fuliyay weeraradda Paris, wiil ay walaalo yihiin iyo dumaashidii.

Booliska dalka Faransiiska ayaa shaaciyay in Cumar Ismaaciil Mustafa uu ka mid ahaa 7-ruux oo fuliyay weerarradii magaalada Paris ka dhacay, kaasoo dhintay intii ay socdeen weerarradda.

Xeer-ilaaliye Faransiis ah ayaa isaguna wuxuu sheegay in Cumar ay hore diiwaanka ugu jireen dambiyo uu galay, laakiin dambiyadaas aanay ahayn kuwo xidhiidh la leh falal arga-gixisenimo.

SomlegalAds

Sidoo kale, sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah Raggii weerarradii Paris fuliyay laga helay baasaboor Siiriyaan ah, taasoo kordhisay walaaca ah in ninkan uu ku soo dhex-dhuuntay qoxootiga tirada badan ee ku qulqulaya Qaaradda Yurub.

Waxaa kaloo la sheegay in shalay la helay gaadhi ay wateen raggii weerarradii lagu qaaday Paris fuliyay, gaar ahaan kuwii weeraray maqaayada ku taalla magaalada Paris oo xilligaas ay ku sugnaayeen dad badan.

FranceDhanka kale, wasaaradda gaashandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen dalka Liibiya hoggaamiyihii ururka ISIL ee waddanka Liibiya.

Afhayeenka Pentagon Mareykanka, Peter Cook ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarkaas lagu bar-tilmaameedsaday, Abu Nabiil oo u dhashay Ciraaq, isagoo intaas ku daray in Abu Nabiil uu ahaa hoggaamiye sare oo ururka ISIL faraciisa dalka Liibiya ka tiranaa, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa afhayeenkii ururkaas ee kasoo muuqday muuqaal uu soo duubay ururka IS, kaddib markii uu qoorta ka gooyay dad masiixiyiin ah oo dalkaasi lagu dilay.

Ugu dambeyn, Cook ayaa sheegay in geerida Abu Nabiil ay wiiqi doono awoodda ururka ISIS ee liibiya, iyadoo weerarkan cirka ee uu Mareykanka ka fuliyey Liibiya uu yahay kii ugu horreeyay ee uu Mareykanku ku qaado faraca ururka IS ee dalka Liibiya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.